Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web


akhiyaaray soo dhawaada
Home Page

About Page

Photo Page

What's New Page

Contact Page

Favorite Links

Slide Show

Catalog Page

Custom Page

Guest Book Page

Photo2 Page

Photo3 Page

Photo4 Page

Shopping Page Page

Photo6 Page


Dareen Qaran

Gabaygan dareen waxaa tiriyey abwaan Abdullahi Faarax Maxamud [Xandulel]. Gabaygu wuxuu ku saabsan yahay sifooyinka looga bahaahan yahay in ay yeeshaan dadka dib u heshiislinta iyo xilka dalka qaban doona, loogana baahan yahay inay badbaadiyaan qarankii Soornaaliyeed ee burburay.

Inkastoo dadkii Daahirow diiday nabaddiiba
Inkastoo dadaal badan lagalay dunidu taageertay
Dal dhan lagarna quustoo rajada waa ka daba luude

Dareen qaran dardaaran ivo talo yaan u dirayaaye
Dibada iyo gudahaba murtida waa dawinayaaye
Fariin lagu dawoobiyo ducaan dawga qabadsiine

Deg-deg baan u gaarsiin dhakhsana waa la daalacane
Darniin guran qofkii aan ahayn wuu ka daadagiye
Daqiiqada yar ii fura dadyahaw diillin dhegihiina

Dabka dhiga, dagaalkana ka baxa, dirirta baas jooja
Dib u fura dariiqyada la xiray, diillinta cagaaran
Daba qabasho caymada dalkana, meel u wada doona

Dibad baxa Illaahay dartii, oo maqfira doona
Isu-duma damiirkiyo qalbiga dabacsanaan muuja
Cafis lagu dawoobiyo dadyahaw, saamax wada doona

In dib loo heshiiyiyo dadyahaw, doona nabad waarta in
Daryeel dib loo helo dadyahaw, dawladnimo raadsha 
In dibcalanki loo suro dalkii, daahid ka ogaada 

Shirar duma dadaal dheerra gala, cudurka daaweeya 
Dadka kiciya duumada ka rara, ubadka daanoobay 
Inaan dacartu soo noqon markale, duuga xiddidkeeda

Qabqablaha dagaalada rayiga, diida hadalkiisa
Dulli qolo u doodiyo u diga, kaan dannino hawsha
Kan danta leh maryuu dumin waxaan dib u asaasayno

Dadaan wali shisheeyuhu u dirin, laaya dariskiina
Dalal kale dadaan dana u dhana, laga dareemeynin
Dambi qaran dadaan wali ku kicin, oo la qiray daahir

Dermo nabad ah duul fidin karoo, daacad ugu baaqa 
Daray mira leh meel dixa dad dhiga dadab la muuneeyey
Dad martida deg-deg u soori kara, quruxna deeqsiiya

Dad bilaaba dood lagu kaftamo, duubcad tala keen ah
Dad la da'ah murtida duur xulka ah, dulucda maahmaahda 
Dad qadariya duul qira dambiga, daris ku eedeeyo

Dabka baxaya duul joojin Kara, ficilka duullaanka 
Daldalaadda maatada dadaan, dirirta taageerin 
Dad cisi leh dadnoo xeeri kara, dib u walaalooba

Dad ka diga dareenkiyo shiddada, dumisay beesheena
Dadka lumay dalkaan iilka galay, garasha daaweysa
Dalka dumay dad wax u dooni kara, dunidu taageerto

Dad is bara dadkeenaan isdhalay, duul is fahansiiya 
Dad is bara inaan nahay, hal dada, duul ab wada sheegta 
Dad isbara inaan nahay dal yaro diinna wada haysta 

Dad danniga dudmada baajiyoo, gooya dabarkeeda 
Dad dulliga dalkeenii rahmadey, door ka wacan dheela 
Dad xishooda dawlad iyo reer, duul mar kala qeexa

Dad ka qora daraasad iyo buug, belo ka soo dooga 
Dad ka qora dagaalada xusuus, warar dib loo aayo 
Dad ka qora duruus loo akhriyo, duulka dhalan doona

Dad aan qabin dal xorohoo mar kale, dunidu saanyooto 
Dad aan qabin dadkoo lagu maslaxo, aan dalkaba dhiibno 
Dad aan qabin dalkoo loo jar jaro dawlad barasaaba

Dad maxlala dilaal Yurub dad neceb, qamadi loo daadsho
Dawarsiga dad aan wax u aqoon, durugso laallushka 
Dad nadiif ah duul sharafta jecel, dawladnimo raagta

Dad noo qora sharciga dawladnimo, xeer na wada deeqa 
Dad xasiliya deyr adag dad dhiga, qarankan duugoobay
Dad ku haga dal dawlad iyo shacab, diinta ku hoggaansha

Dadka dilay dadweynaha dad xira, duul maxkamad geeya
Dad dacwada ku qaadoon ku digan, jeer dambigu fuulo 
Dad qisaasa duul qodob sharciya, diinta uga baara


Dad aan xadin deyn laga codsaday, dawlad iyo baanan 
Dad aan xadin dakhliga maalgashiga, la isu daba joogo 
Dad aan xadin dulsaar iyo macaash, dawlad kharashkeeda

Dad lamaraye yaa maali jirey, malain kale qaada.
Dad mas’uula duul kala maslaxa madax la taageero.
Dad mideeya duul magaca qaran meydka sare jooja.

Dad lamahadsho duul waa miyire meel isugu keena.
Dad miciin leh duul waa mucsure maamul ugu deeqa.
Dad u mara marxaladaan jid adag, hawlkar murugooda.

Dad miisaan leh duul yaa u maqan miinada usaara.
Dad masayr leh duul qaba mabda’a talo u maareeya.
Dad markale makaabkii jabyeye, meesha maran buuxsha

Dad ku filan iney wada dajaan, duulkan kala guuray
Dadkaan wada collooboo isdila-y, duul ku haba caano
Dadkay kala ka xeeyeen dad kara, nabad la deeqsiiyo

Dan yartaas dagaalada ku lumay, duul u naxa maanta 
Dad aayaha ilmaha doonayoo, duugga haray baanta 
Dalka dumay dad nooleeya garan, dib u dhisoo taaga

Dad la qadiyo duul aan aqoon, dayro iyo eexda 
Dad la diray dammiin beel matala, caaqiliyo duubab 
Dad xurma leh dad kala doori kara, diliyo nooleeya


Dad dalka leh rag aan cidi dallalin, culumadii diinta
Dad iimaan leh duul kibirka neceb, reera lagu duullo 
Dad karti leh duunuca dad neceb, duul ka maran aarso

Dad la xulay indheer-garad la dumay, daanyo odayaal ah
Dad ka maran wixii dhacay dagaal, duul ergiyo guurti
Dad waxtar ah aqoonyahan dul badan, dumarka qiiraysan

Dad cilmi leh duruufahan adag-adag, xaakim dib u eega 
Dad si dalabta loo kabo yaqaan, samir la daaweysto 
Dad macna leh damiir qaranka Jecel, duul wadaniyiin ah

Dad isim ah duqey iyo xujaaj, diinta ku asluubsan 
Dad aamina hoggaan run u danqada, daacad sama doona 
Dadkoo siman dantoo wada tashiya, shacabka oo duuban

Dalkoo dega wanaagoo dayaxa, xumaha oo duugma
Diintoo dalkii lagu xukumo, oo dulmigu suulo 
In cadliga dib loo helo dadyahaw, nooga dhiga daawo
In cadliga dib loo helo dadyahaw, nooga dhiga daawo

 

GALLEYR


Ga baygan waxaa tiriyey abwaan Abdullahi Faarax Maxamud
[xandhulel, gabaygu waxuu ku saabsan yahay gallayr jisiyadduusu ahayd Soomaali oo burburkii Sooniaaliya kadib ay gateenn dad ajnabi ah, siisteena qiime dhan 20 Doolar. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa dhibaatada gaadhay guud ahaan deegaanka Soomaaliyeed.

Gallayr yohaw ibtilo guuraysaa galab ku soo booday
Gallayr yohaw la godob weeraroo halistu soo gaartay
Gallayr yohaw gufaacada ilmadu qoysey garabkiisa

Gallayryohaw lajaray geeduhuu fuulijiray gaarka
Gallayr yohaw gabaad iyo dhufays meeluu galo waayey
Gallayr yohaw gawaankiyo cidlada xariga loo gaabshay

Gallayryohaw go’doonkiyo xabsiga loogu xiray gooni
Gallayryohaw godoodkiyo ku jira gaajo iyo soonka
Gallayr yohaw gasiinkiyo cunnada gabi ahaan joojay

Gallayr yohaw gurguurad iyo socod gaado kici waayey
Gallayr yohaw gabaadiyo harkaba gaari kari waayey
Gallayr yohaw hawaduu gooshijiray haatan gali waayey

Gallayr yohaw gilgilay baalashoo goosan kari waayey
Gallayr yohaw gankiyo oogadii xaaddu wada guurtay
Gallayr yohaw gabalihii shiddadu joogto guradiisa

Gallayr yohaw gamaanyiyo hurdaba saacad gali waayey
Gallayr yohaw shisheeyuhu ga' too ganiga soo siistay
Gallayr yohaw gafkiyo dhaawacaan silicu soo gaaray

Gallayr yohaw gasiiradaha Dubay jooga guri baasta
Gallayr yohaw gumaysi iyo cadow go'coshadii taahay
Gallayr yohaw la sharaf gaarsiroo carro galiilyooday


Gallayr yohaw gambada loo xiroo gabi madoobaaday
Gallayr yohaw gadaal eegayoo gaas la cida waayey
Gallayr yohaw godkaan uu ku jiro dani gayeysiisay

Gallayr yohaw gumaadkiyo dilkii gobolku saameeyey
Gallayr yohaw gayigi baaba'oo baladu googoysay
Gallayr yohaw gaargaar dawladeed geysh u naxa waayey

Gallayr yohaw jamhadi qowracdoo reer u galay jeelka
Gallayr yohaw la' dhaqan guuriyoo mowd u gogol xaartay
Gallayr yohaw hungada giisayoo qaranki geeryooday

Gallayr yohaw dalkiisii gubtoo goradda laalaadshay
Gallayr yohaw xaqiisii gafoo gudub u naafoobay
Gallayr yohaw gunaanaday naftoo geerida u muuqday

Gallayr yohaw golxi iyo qaansadii geeska laga waayey
Gallayr yohaw gidaarkii burburay gacalo jeedaashay
Gallayr yohaw garwaaqsaday haddeer meesha laga gaaray

Gallayr yohaw dacwada gaamurkaa dunida gaarsiiyey
Gallayr yohaw garsoorkiyo sharciga cabashadii geeyey
Gallayr yohaw garawshiyo waxqabad gabi ahaan waayey

Gallayr yohaw galkiisii dacwada Heeg ku godobbowyey
Gallayr yohaw cadliga goobayoo guuldarrada taabtay
Gallayryohaw nabsiga gaadayoo garashadii quustay

Gallayr yohaw gayigi xaalufoo saxara gowriira 
Gallayr yohaw galooliyo dhirtii dhuxusha loo goostay
Gallayr yohaw gahayr iyo mareer geed laflaba waayey


Gallayr yohaw gobkiyo toomihii beer u go’i weyday
Gallayr yohaw gudduu daawanshiray yicibi gaag-beeshay
Gallayr yohaw giriin iyo cagaar geed ifaba waayey

Gallayr yohaw garoomada bannaan saxare gawriira 
Gallayr yohaw gal buuxiyo xareed laas gunguma waayey
Gallayr yohaw ka guray ceelashuu nuugi.jiray gaaxda

Gallayr yohaw guruub iyo bahdii guuto jecel waayey
Gallayr yohaw ka jabay goodiriyo goroyadii buuxday
Gallayr yohaw biciid geeso weyn cawl gafara waayey

Gallayr yohaw guduudane iyo weer gaade bahal waayey
Gallayr yohaw dhurwaa goohayiyo good arsila waayey
Gallayr yohaw gadoodiga mirtiye aar gurxama waayey

Gallayr yohaw garkiyo lowyihii gaabshay luquntiisa
Gallayr yohaw codkiisii gannaa haatan kala gooyey
Gallayr yohaw ka geeraarayaa galanglkii ceebta

Gallayr yohaw haddaan gacan xurma leh guule ku qaadin
Ama gamano aan dhalan haddeer gaarin noloshaadu
Gallayr yohaw gummowdaye ra'jada guuldarrada qaado

 

GABLAN


Maansadaan waxaa tiriyey c/laahi faarax maxamuud, maansada magaceeda waxaa layiraahdaa GABLAN, waxaan gablan ugu bixiyey waxaan cidina dafiri Karin in dhulkeenu hadeer gablan yahay, dadna uusan lahayn.

Dalku maleh aqoonyahan oday lagu hagaagiyo isin iyo hogaan maleh
Indheer garad badbaadshiyo aar iyo wadani maleh
Talo wax u aqooliyo waayeel astura maleh

Ergo nabad u doontiyo ehel iyo xigaal maleh
Ubad run u baroortiyo ardo iyo caruur maleh
Culimo diinta oogtiyo sheekh loo irkado maleh

Sumad lagu ogaaiyo calan iyo astaan maleh
Xeer kala ilaashiyo axdi iyo shuruuc maleh
Qaran wax u ururshiyo aayiyo midnimo maleh

Amar laysa sasiiyiyo maamul iyo adeeg maleh
Umad kala dambaysiyo ammaan iyo heshiis maleh
Agoon la dhawriyo umul iyo caruur maleh

Asluub lagu dhaqaaqiyo aamus iyo xarago maleh
Eed laga xishoodiyo iimaan xasila maleh
Arad shay laqaatiyo qurux iyo ammaan maleh

Todobaatan ururiyo askar iyo col baa degey
Iblays layska naariyo qabqable ooman baa degey
Gabkan ugubka laayiyo rajo aragxun baa degey

Inkaar laga ducaystiyo aafiyo shidaa degey
Duufaan la eediyo belo orinaysaa degey
Waa looma ooyaan illaah buuse leeyahay

 

Dhanbaal nabadeed wuxuu kulmiyaa 18 kii Gobol

 Gabaygaan waxaa tiriyey C/llaahi Faarax Maxamuud. Gabaygaani wuxuu ka hadlayaa wanaaga iyo quruxda dhulkeena, wuxuuna bulshada xusuusinayaa 18 ka gobol magacyadoodii, ee ay ka koobnayd markii hore jamhuuriyadii soomaaliyeed. Gabaygaan waxaa magiciisa layiraahdaa dhanbaal nabadeed.

Dhuda awdal dhaayaha u roon dhoolasha hargeysa
Dhafka sheekh dhabaha ceel burciyo dhirin dhir buuhoodle
Dharaar sool ma dhaafine sanaag dhuxun wareegeeda

Dheeha bari dhoodiyo nugaal dhoomo iyo hawdka 
Dhanka mudug dhulkaan laysku simay dhaadhacyada ciida
Dhinbil quruxleh dhuusiyo mareeb dhoobo beledweyne

Dhexda jawhar dheegyadatan xamar dhaalasha afgooye
Dhaashan bay dhafoorada bakool dhir iyo muuqaalka
Dhamays gedo dhudhumihii markiyo wabiyo dhiidhiiba

Dhamaskii bu’aaliyo afmadow dhagaxa qooqaani
Dhulsankii kismaayiyo marsada xeebta dhacadiida
Dhulkaan wacan dhalaal dahabiyiyo midabyo dheeraada 

Dhulkaan dihin dhitada kaydsaniyo dheemantiyo luulka 
Dhuumaha shidaalkiyo dhulkaan dheregtu ceegaagto 
Allow yaa dhamaantii dunyaye run u dhaqaaleeya

Allow yaa dhulkaan kala qoqoban saatan mar u dhaama
Allow yaa shantey kala dhimeen dhanisu soo raacsha
Allow yaa dhibbey weheshataye nabad ku soo dheelma

Allow yaa dhanbaal nabada dira oo dhulka u qaybsha
Allow yaa dhufaysyada laqoday nabad ku dhaanteeya
Allow yaa dhurwaayada is cuna dhiil kuwada soora

Allow yaa dhismaha dowlad qaran dhaabad mar u taaga
Allow yaa dhaqaalaha burburay dhaxalka noo caynsha
Allow yaa dhamaystira heshiis laysu wada dhaarto
Allow yaa wixii ina dhexmaray dhuumasho u aasa
Aloow yaa dhamaayaye dadkii toogashada dhaafa
Allow yaa dhunkaashiyo suntaan dhab uga maansooda

Allow yaa dhulkey caasidaye yaa dhunkada ciida
Allow yaa dhaqsaha laysu dilo dhiiga ka ilaasha
Allow yaa midnimadii dhuntaye dhool u murogooda

Allow yaa anaa reer dhurdaa dhab ugawaantooba 
Allow yaa dadkeenaan is dhalay dhab u walaaleeya
Allow yaa dhulkaan qaran u hela qoys dhandhami waaye

Allow yaa colaad bay dhantaye malab usoo dhiinsha
Allow yaa dhanaan iyo karuur dhay kuwada quudsha
Allow yaa shaxaad baa dhunshaye siiya dhididkeeda

Allow yaa hubkaan laysla dhaco qaaradaba dhaafsha
Allow yaa dhulkeenoo xasilay dhawra sharaftiisa 
Allow yaa dharaaraha rajada dhab ugu naalooda

Allow yaa jabhadihii na dhibay gooya dhalanteedka
Allow yaa waxay naga dhunsheen dhab ugu eedeeya
Allow yaa abaalkey dhigteen dhabisu weydiiya

Allow yaa dhulkay hoosmartaye dhab ugasoo qaada 
Allow yaa dhamaan waa ruqee dhaan u rara khayrleh
Allow yaa dhuldoogliyo ugbaad dhebi kasoo foofsha

Allow yaa dhulbaa lagu murmaye dowlad dhexe keena
Allow yaa dhibaatada dhextaal dhab uga xaajooda 
Allow yaa dhulkeeniyo midnimo dhimatay nooleeya 
Allow yaa dhulkeeniyo midnima dhimatay nooleeya

 

AGOON 

Gabaygaan waxaa tiriyey C/laahi Faarax Maxamuud, gabaygu wuxuu ku halqabsanayaa wiilyar oo agoon ah abihii iyo hooyadiina lagu diley dagaaladii Muqdisho 1992 kii, iyagoo aan waxba galabsan, daahir markii aabihii iyo hooyadiiba ladilay wuxuu u cararay dhanka kiinya, kabacdina wuxuu ugasii gudbey Suudaan, aakhirkiina wuxuu galay Addis ababa. Markii uu galay addis ababa wuxuu xamili waayey qaxooti nimadii wuxuuna goostay inuu dib ugu laabto dhulkiisii hooyo, isagoo bilaabay inuu waraysto dadka ka imaanaya dhulkii, Daahir waxaa sugaya kuwii aabihii iyo hooyadii sabab la’aanta u diley kuwaas oo ah qabqablayaasha dagaalka.

Daahiroow adoo dalanoo meel derbiya taagan
Adigoo dibnaha ruugayoo diif lasocon waayey
Dadkiiniyo adoo waalidkaa dirir ku geeryoodey

Dagaalkii sokeeyuhu aduu dibeda kuu saaray
Adigoo dadkii kula dhashiyo ruux dubnaxa waayey
Dacdarada agoonnimo adoo dan ugu naafoobey

Adigoo dubkaagiyo jirkaba dixri googooyey
Dakharadiyo boogaha adoo dhiigu wada deyley
Adigoo dahaarkii wajiga quruxdu doorsoontay

Diqsigiyo quraanyadu adday kugu dulxoomayso
Adigoo dibjireyoo inbadan aan dib wax u quudan
Dalka ka waran goortaad itiri yuu danqaday jiirku

Daljeclida darbane daahirow duule kugu beeray
Dadnimada dareen qaran durbaba dib u xusuustaada
Rabiagy daryeelyow markaan gacalo kuu deexdo

Dayyicii sagaal sano markaan dib uga sheekeeyo
Sida mowdku noo diley markaan diilalyada taabto
Geerida dalxiiska ah markaan kaaga furo daaha

Duligiyo halaagii markaan wadar u daymoomo
Daanada layaabkaleh markaan duliyo hoos eego
Inaan weli dadkii garan markaan kuu dulmaro ceebta

Dad colaa dalkii degey intaan qalab ku doonayno
Hala dumiyo reerhebel intaan dirir u oogayno
Kuwo aan denbi lahayn intaan subax ku duulayno

Dumarkiyo caruuraha intaan kibir u dooxayno
Waayeelka daanyada intaan silic u duugayno
Dadkii laga xishoon jirey intaan dileyno jiiraanka

Duqowdiyo cuqaashi intaan wada dabaaxayno
Dekanooyin buu qabey intaan dad u xasuuqayno
Diba yuu unoolaan intay doorashadu joogto

Hooyada asayda leh intaan diric kaxoogayno
Garbasaaro duugiyo intaan cala laduulayno
Bililiqo daraadeed intaan dalawyo baareyno

Dad indha’la danbiil maran intaan kala dulboodayno
Daasado lasoo xaday intaan dib u xaraashayno
Dad muslina alaabtii intaan qiil u dayanayno

Dalku wuxuu lahaa maal intaan saacad dubanayno
Daroogiyo xashiishiyo intaan belada daaqayno
Iimaanka duuga intaan lacag u doonayno 

Durduradiyo ceeshii intaan cagaf ku duugayno
Dawladihii horaa qoday intaan dal u cisaarayno
Duurjoog sideedii intaan nolosha diidayno

Dugsigiyo isklooda intaan hoyga duminayno
Dukaamiyo bakhaarada intaan damac u boobayno
Daaraha mariinka leh intaan saqafka diirayno

Dulmiga iyo tuugada intaan dahab ku sheegayno
Diihaalka waalida intaan raashin dab joogno
Doc walbaba masiibada intaan degeyno moolkeeda

Duumiyo kaneecadu intay ubadka daaqayso
Dabayshiyo jadeecada intaan daaf u wada jiifno
Daacuunka shubanka ah intaan diif u maranayno

Abaaraa dalkii helay intaan filimo duubayno
Dalag noomasoo go’in intaan dalab ku dhiibayno
Dowlado shiisheeyah intaan wax uga doonayno

Inta kicino duulaan intaan suxufi doonayno
Dawarsiga hamuunta leh intaan taarar diranayno
Dadka maxaad u haysaan intaan hay’ad daba joogno

Darxumada rafaadka leh intaan duray u liicayno
Daranyadiyo gaajada intaan wada dalaabayno
Sidii waxaan dalka lahayn intaan dibad u yaacayno

Dalka xeebihiisii intay gaalo dabanayso
Doonyiyo maraakiib intay dibad u xaaqayso
Sidii dalaan cidba lahayn intay dunidu boobayso

Culimaa isdiidiyo intaan muran ka doodayno
Diintaa wax loo dhinmay intaan gurayno deelqaaffka
Dana reer galbeediyo intaan yurub difaacayno

Dadkii dalandalkeenii nabaray diinta Nebigeena (SCW)
Dadkii labada daarood ka digay diiratada naarta 
Dad muslina inaan nahay dadkii daahirka u qeexay
Abaalkooda doorka ah intaan xin ugu diidayno

Dad askara daraawiish intaan dib u hubaynayno
Miinada dariiqyada intaan dib u xabaalayno
Kuwo belada daa’imay intaan damac ka dhawrayno

Ururada qabiilka ah intaan aafo daba joogno
Dad cunkiyo ibtiladii intaan dib u quwayneyno
Kuwii dacarta soo fagay intaan daadah weli hayno

Kornaylada damiirka’la intaan hawl u diranayno
Hebel waa dagaal yahan intaan wax ugu doonayno
Sida shacabka loo dilo intaan ugu ducaynayno

Jananada dalkii gubey intaan dib u xurmaynayno
Kuwii daminka noodhigay intaan dowlad uga jeedno
Abeesada dadqaadka ah intaan dib u macsuumayno

Degmo negi markuu duul isdhalay dumiyo oo laayo
Boqolaaal dadoo jirey markuu gawrac ugu duugo 
Dalacaad abaalguda intaan deeq u fidinayno

Qabqablaha dagaalada intaan sharaf u duubayno
Adigaa dadka u mudan intaan durugso sii hayno 
Rabigay hadoorshee intaan derajo siinayno

Madanqade dalka u daran intaan daba madiixayno 
Danihiisa gaarka ah intaan teena duminayno
Qabiil buu difaacaa intaan qaran ku diideyno

Madaxweyne aan degin intaan qolo u doonayno
Dowlad wada wasiiraah intaan dan u habaynayno
Dad kayagu muxuu helay intaan nabad ku diidayno

Afrikada xinka u duman intaan noo danqada hayno 
Kuwo dirirsan oo colah intaan kala dilaalayno
Dalal baas intaan deris xujaa qori ka doonayno

Dalkeenoo laqaybshiyo intaan kalatag doonayno
In dibloo heshiiyiyo intaan wadajir diidayno
Dagaalkoo istaagiyo rajada dowladnimo quusdheh

 

 

DARYEEL

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan C/llahi Faarax, gabaygaan waxaa magiciisa layiraahdaa Daryeel, daryeel waxaan ugu bixiyey sidaan hoos kucad, gabaygu dadweynaha soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa kuna dhiiri gelinayaa inay ka haraan dagaalada noloshooda galaaftay, gabaygu wuxuu kaloo ku guubaabinayaa dadku inay ka fogaadaan kuwii mas’uulka ka ahaa dhibaatada maantay jirta kuwaas oo aan ku tilmaami karno janamada bahaloobey iyo ururada ku dhisan magaca qabiilka.

Dadka bara inaan janan dadcuna shacabku doonayn
Dadka bara inaan ruux dalgubey doorasho u joogsan 
Dadka bara inaan dowlad iyo reer lakala dooran

Dadka bara dagaal oogayaal yaan laderajaynin
Dadka bara in dirirtii xumayd nabadi door dhaanto 
Dadka bara inaan dibu heshiisiin duul hagraday gaarin

Dadka bara dakanadii doraad dibudhac keentay 
Dadka bara ragii shalay daldalay dib uga waantooba
Dadka bara in kala daadataye laysu dumo maanta

Dadka bara dugaagiyo tukaha daaqay hilibkooda
Dadka bara darxumaduu ku jiro dacarta naafaysay
Dadka bara digniin adagna fara marayey doonkiiye

Dadka bara illaah doorigii diida amarkooda 
Dadka bara inaan tuug diliniyo dooxato u heesin
Dadka bara dabkaan lagu dhexjirin yuun durkine jooja



BAROOR DIIQ 


Maansadaan waxaa tiriyey abwaan C/llaahi Faarax Maxamuud, maansadu waa baroor diiq, waxaan baroor diiqayaa qarankii burburay iyo mabadii dhuntay.

Hadaan nabadii u qaysho - Hadaan qiirada baroorto
Hadaan qaran baadi doono - hadaan calnkii barqaado
Hadaan quruxdii casuuno - hadaan qabyatiro heshiis
Hadaan qori dhaca u diido - hadaan qalashada ka joogo
Hadaan qabashada ka daayo - hadaan qoqobkii ka qaado
Hadaan qorshe wacan u keeno - hadaan qaabeeyo talo
Hadaan qoraxda isu taago - hadaan quursiga ka faano
Hadaan qabqablaha qisaaso - hadaan sharci qaran ku qaado
Hadaan qaadirow iraahdo - quraanka hadaan u tuugo
Mawaan qarankii badbaadin

 

Halaag


Gabaygaan waxa tiriyey abwaan C/llaahi Faarax Maxamuud, gabaygaan waxaa magiciisa layiraahdaa halaag, halaag waxaan ugu bixiyey dadkeenii soomaaliyeed waxa uu go’aan ku gaarey in cagta lamariyo laguna tunto dadka danyarta ah iyo hantidooda, sidaasna umad aduunka
rajo danbe ka qabtaan si ay dooran karto maaha talaabadii laqaadana waa dil iyo dhac.

Goob lagu halaagmaa gurmad laysu doontaah
Guutooyin noolbaa mirir lagu gumaadaa
Geeri aan lafilayn baa lagu naanad seegaa

Gaadmiyo khiyaama reer lagu galaa ladan
Gobol horay u liitaa madfac lagu garaacaa
Gocashiyo ciilbaa lalakala go’doomaa

Guul’aan la dhalinbaa guluf loo diyaarshaa
Godobiyo colaadbaa gaas lagu afuufaa
Garabyoiyo kooxaa xurmo looga goohaa

Gaajiyo haraadbaa gacmo maran lataagaa
Gaaliyo shisheeyaa gargaar loo yaboohshaa
Inta gacal latoogtaa gobanimo la sheegtaa

Guryaniyo hinaasiyo gardaraa labaantaa
Guhaaniyo dhibaatiyo gablan baa labooyaa
Gef aan laga dhamaaniyo eed baa laguuxaa


 

 

 

 

 

 

Home

       Copyright © 2002 Kismayo Online  All rights reserved

.

G U D U U D A N E
Abdisalam M Issa-Salwe

Shankaroon Cilmi qalbigeedu ma fadhiyin tan iyo goortuu macallku amray inaysan fasalka ka bixin markay ardaydu quraacda aadaan. Waxay is-waydiinaysay dembiga ay gashay. Nus saac waqti ku dhaw dersiga Macallin Guduudane lama aysan socon. Intuu fasiraadda xisaabta waday hadba mar ayuu soo dhuganayay xageeda. Indhihiisu tash ayay ku abuurayeen ardayadda. Marba waxay eegaysay daqiiqadaha ka harsan tobanka. Waxay ahayd tobankii oo lix mirir la'. Daqiiqaduhu way sii gurmayeen. Inuu waqtigu istaago jeclaan lahaydaa! Saacadeedii ayay iska furtay; waxay ku cadaadisay jeebka surweelka. Hadba dhinac ayay kursiga uga fariisanaysay. Saacad ay xirnayd gabar ag fadhiday ayay qooraansatay. Waxay sheegaysay tobankii oo shan daqiiqadood la'.
"Daqiiqad bay horraysaa;" ayay ku tiri. Gabadhii ayaa soo eegtay. Iyadoo la yaaban aysan fahminna waxa ay Shankaroon sheegayso ayay u jeesatay tafsiirka macallinka.
Cabbaar yar ka dib ayay saacaddii la soo baxday. Waxaa harsanaa saddex mirir. Dhafoorada ayay sacabada saartay. Waxay la dhakafaarsanayd inuu waqtigu socday intay saacaddu jeebka ugu jirtay.

Tobankii oo daqiiqad la' ayuu dawankii yeeray. Ardaydu waxay bilaabeen inay quraacda u dareeraan. Cabbaar yar ka dib keligeed ayaa ku hartay fasalka.'Bismillaahi Raxmaani Raxiim', iyadoo hoos u leh ayay hor istaagtay macallinkii.
"Ma ogtahay inaan nebcahay qofkii neceb maadadayda?" Ayuu macallinku waydiiyay. Wax jawaab ah ma uma ay celin.
  "Naa maxaad isu qalqaloocinaysaa, su'aasha maad ka jawaabtid," isagoo leh ayuu indhaha ku gubay. Waxay taagnayd albaabka agtiisa.
"Macallin, ani... aniga ..., ma aqaan." Waxaa dhib ku ahayd intay hor taagan tahay. Waxay ka baqaysay inuu maqlo quraanka ay qalbiga ka akhrinaysay.
"Maxaadan aqoon?" Ayuu waydiiyay isagoo su'aasha ku xoojinayey farta murugsatada midig.
"Macallin, nasiib uma lihi xisaabta iyo sayniska...", hadalka way la gariiraysay mana aysan jawaabi karin. Waxaa saaqay kulayl. Garbasaar ay ka dul huwanayd shaarka iyo surweelka dugsiga ayay bilowday inay isku babiso. Hug-hugta wadnaheeda waxay ka dhex maqlaysay saabka hoostiisa isagoo dhiigga si xowli badan ugu qaybinaya jirkoo idil.
"Maxaad tiri?" Indhaha ayuu ka dhex dusinayay. "Naa waa inaad jeclaataa xisaabta iyo sayniskaba. 'Nasiib uma lihi' iyo 'ma aqaan' war aan maqli karo ma aha. Haday daacad kaa tahay maad aniga i waydiisid."
Waxay ku jawaabaysay hadba mar inay madaxa kor iyo hoos u ruxdo.
"Yaah? Maxaad leedahay? Diyaar ma u tahay inaad baratid xisaabta iyo sayniska, haa ama maya?" Ayuu si xanaaqsan u waydiiyay.
"Haa, macallin," ayay tiri.
"Hadii aad rajo ka leedahay inaad gudubtid imtixaanka dugsiga dhexe ee sannadkaan waa inaad timaaddaa duruusta galab waliba aan ka baxsho aqalka." Intuu kursiga ka istaagay ayuu xageeda u dhaqaaqay. Wuxuu gashanaa kabo cirba dhaadheer. Kor isagoo u eegaya ayuu labada gacmood dhexda ku qabsaday wuxuu ku amray, "Dersiga berrito waa inaad ka soo qayb gashaa. Hadii aadan doonayn inaad noqotid geed ka baxay fasalka toddobaad ee dugsiga 21ka Oktoobar. Shanta galabnimo waa inaad timaaddaa. Furaha hor-u-markaaga warqaddaan ayay ku qoran tahay. Soco."
"Haye, macallin," iyadoo leh ayay ka sii baxday fasalka.
'Macallinkaan waa i neceb yahay. ' Iyadoo qalbiga ka leh ayay sii dhex maraysay dhismayaasha fasallada taxan ee dugsiga.

Kulaylka qorraxda waxaa mar mar qarinaayay daruuro yar yar oo ay dabeyshu cayrinaysay. Dabaysha dayrtu waxay ka soo dhacdaa dhinaca xeebta. Bilaha Oktoobar iyo Nofeember Benaadir waxaa ka dhaca dabaylo xoog badan oo loo yaqaan Istaaq-Furulow.
Shankaroon waxay u gudubtay qaybta dugsiga hoose, si ay uga sii kaxayso saddex walaalaheed ah. Aqalku wuxuu u jiray, labaatan ilaa shan iyo labaatan mirir oo lug ah. Isbataalka caruurta (UNICEF) ee degamada Xamar Jajab ayuu in yar ka dambeeyay.
Dhismaha gurigooda wax yar ayaa laga beddelay tan iyo maalintay Shankaroon dhalatay, 8dii Luulyo 1966dii. Waqtigaas gurigoodu wuxuu ahaa cariish saddex qol ka kooban. Isla sannadkaas dhammadkiisa ayuu aabeheed Cilmi kala bar ka dhigay dhagax. Aabeheed wuxuu ka sheekayn jiray inay curadiisa u ahayd falxad. Sababaha uu ku aaminay waxaa ka mid ahayd maalinta ay dhalatay baayac-mushtarigiisu kor ayuu u kacay. Cawo ayuu u baxshay. Hase yeeshee, magacii abtigeed Yuusuf ayaa u hir galay. Aabeheed wuxuu damacsanaa inuu sannadihii ku xigay dhamaystiro dhismaha harsanaa ee guriga. Nasiib darrose, taladiisa tii Alle ayaa kaga soka martay. Jug madaxa ka gaartay kadib kolkuu gaari kula qallibmay agagaarka Afgooye ayuu afar sano kadib u geeriyooday.

Shankaroon iyo walaalaheed kolkay aqalka tageen hooyadood waxay ka salaama-noqsanaysay salaadda duhur.
"Maandhey, caruurta u gur qadada. Waxay ku jirtaa digsiga girgirraha agtiisa yaal," Ay-Madiina Xasan ayaa ku amartay gabadheeda iyadoo weli dul taagan salliga. Waxay u diyaar garowday inay xirato salaad sunne.

II

Shankaroon waxay ka mid ahayd ardayda dhex dhexaadka ah ee dugsiga. Haday ku wanaagsanaan lahayd maadooyinka xisaabta iyo sayniska laasum waxay noqon lahayd ardayda dalka ugu dhibca sarreeya. Nasiib darro, halkii ay ka raadin lahayd inay ku dadaasho maadooyinkaas, waxay u ekayd inay sii nacaysay.
"Naa maxaad uga soo qayb geli wayday waxbarashada?" Macallin Guduudane ayaa waydiiyay. Waxay ahayd laba iyo tobankii duhurnimo, waqtigay ardaydu ka rawaxdo dugsiga.
"Waan imaadaa, macallin," ayay ku jawaabtay Shankaroon iyadoo indhaha ka mirig mirig siinaysa. Dhuuxa hoostiisa waxay ka dareemaysay mowjado maskaxda ka soo burqamayay. Luguhu ma aysan sidi karin miisaankeeda.
"Naa, ma anigaa beenlow ah?" Ayuu si xanaaqsan u waydiiyay. Caradii ka muuqatay waxay isu soo uruurisay firiirixiyo uu ku lahaa wejiga oo ka dhaldhalaayay saliid uu subaxdaas ku dhaashaday.
"Wallaahi, macallin, xataa maalin ma aan maqnaan." Hadalkeedu wuxuu lahaa xabeeb qallalan.
"Ma waxaad iga dhaadhicinaysaa inaad dorraad timi aqalka? Yaah?"
"Macallin, maalintaas hooyaday ayaaa shaqo ii dirtay; waan soo bixi waayay;" waxay wejigiisa ka dareentay inuusan rumaysanayn hadalladeeda. Suu u aamino ayay u raacisay, "Ilaahow, inta aan jeclahay iga qaad, macallin..." intaysan dhammayn ayuu ku yiri,
"Gabar yahay, uma ekid qof waxbarasha doonaya. Indhahaaga ayaan ka arkaa. Hooyadaa hadii aysan doonayn inaad wax baratid, orod muufada u dub. Adigoo kale dugsigu wuu ka maarmaa. Qarankana khasaare ayaad ku tahay."
"Macallin..." hadalka ma'aysan dhamaystiri karin. Qallaylka dhuuntu xabeeb culus ayuu u yeelay; hadba carrabka intay rog-rogto ayay candhuufa qallalan liqaysay si ay dhuunta u qoyso.
"Ma aqaan hooyaday ayaa ii diiday iyo been kale. Ama hooyadaa la joog ama waxbarashada dooro;" isagoo weli sii hadlaya ayuu dhinaca albaabka sii aaday. Intuu dib u soo eegay ayuu ku yiri, "Berri galab waa inaad waxbarashada ka soo qayb gashaa. Fursaddii ugu dambaysay ayaan ku siinayaa ..." isagoo weli u sii hanjabaya ayuu albaabka ka sii baxay.

III

Macallin Guduudane wuxuu degganaa degmada Waaberi. Waddada Maka Al-Mukarrama dariiq yar oo ka baxa hortiisa guri ku yaal ayuu ijaar ugu jiray. Shankaroon oo nafteeda hiifaysa ayaa is waydiinaysay inay dib u noqoto iyo in kale. Waxay ku lugaynaysay dalcad yar oo bacaad badan kana sokeeyay aqalkuu u tilmaamay macallinku.
'Waa markii afaraad. Maalin kasto kaalay. Muxuu iga rabaa aniga?' Ayay is-waydiisay. Way istaagtay. Cabbaar ayay fekertay. Baqdin iyo walwal ayaa dhinacyada u kala dhufanayay taladeeda. Horay ayay u socotay. Cabbaar kolkay lugaysay ayay misna istaagtay. Baqdintii ayaa ku badatay. Mar keliya ayay dib u jeesatay. Kolkay dhawr tillabo qaaday ayay maqashay qof magaceeda u yeeraya. Way shakiday. Tooskeeda ayay u sii socotay iyadoo aan dib u jeesan.
"Hey, Shankaroon. Shankaroonay;" codka u yeeraya wax yar ayuu ka dambeeyay.
Waxay istaagtay iyadoo aan weli dib u jeesan. Iyadoo sidii u taagan ayuu qofkii u yeerayay soo gaaray. Intuu garabka ka qabtay ayuu ku yiri,
"Maxaa kugu dhacay? Ma waxaad garan wayday guriga?" Sidii geed baxay oo kale ayay u tognayd. "Bal eeg sida ay kuugu dhaw dahay meesha aad ka luntay;" ayuu u raaciyay macallin Guduudane. Dib intuu u dhaqaaqay isagoo tallabada gaabinaya ayuu yiri, "Ina mari." Wuxuu gashana macawis iyo funaanad ay midabadoodu wada casaayeen. Iyadoo u jirta shan tillaabo ayay daba gashay.

***

"Kursigaan soo fariiso," ayuu u tilmaamay kolkay qolkiisa soo gashay. Kursi kuwa fadhiga ah oo oollaa dhinaca midigta ee albaabka ayay ku fariisatay. Gabadha horteeda waxaa yiillay miis yar oo uu dul saarnaayeen ubax caag ah. Dhinacyada waxaa ka oollaa laba kursi oo yar yar. Ka soo hor jeedkeedaa waxaa uga muuqday sariir weyn oo ay dhinacyadeedu kor u dheer yihiin iyagoo haya maro guduudan oo ku daahnayd kala bar sariirta. Waxaa isheedu qabatay derbiga ka soo hor jeedkeeda oo ay surnaayeen sawirro naago qaawanaan ku dhaw. Hoos ayay madaxa u dhigtay iyadoo ka baqaysa inay mar kale indhaheedu qabtaan sawirrada. Qolka waxaa ka buuxay hawo culus oo uu ku reebay qiiq sigaar lagu cabay. Hawadu meel ay ka soo gasho ma uusan lahayn.
"Waxaan kaa ballan qaaday inaan kaa dhigo gabadha ugu sarraysa dugsiga. Sidii caanihii oo kale ayaan kuu qurqursiin doonaa xisaabta iyo sayniska. Qalbigaaga ii ballaq, Indhadeeraleeyeey," isagoo leh ayuu soo dhinac fariistay. Hadalladiisu waxay ka soo dhex dusayeen qiiqa sigaar uu cabayay. Garbasaarteedii ayay isaga babisay qiiq indhaha ka galay.
"Muhiimku waa inaaad kalsooni isa siisaa inaad maadooyinkaan baran kartid. Shuruudaha ugu horreeya waa inaad fahamtid sharciyadooda. Xisaabta la yiraahdo jajab ayaan kuu bilaabayaa."
Wuxuu bilaabay inuu ugu qeexo dersiga warqado hortiisa yiil. Indhaha oo keliya ayay ku jawaabaysay iyadoo weli hagoogan garbasaarteeda.

***

"Saaca bisaaca. Waqtina waa waxbarasho waqtiga kalena waa in la madadaashaa. Maskaxda hadii aan nafis la siin dersiga si fiican uma qaban karto," isagoo leh ayuu istaagay. Daqiiqad ka dib dhegteeda waxaa ku soo dhacayay muusik macaan iyo heeso Soomaali ah. Waxay ka soo burqamayeen sameecado surnaa afarta dhinac ee qolka. Wuxuu miiska saaray dhalooyin kooka koola ah oo wada furan. Wuxuu mid hor dhigay gabadha; tan kalena isaga ayaa hadba mar kabanayay.

Tan iyo goortay soo gashay qolka Shankaroon indhaha ayay ka mirig mirig siinaysay. Dhinacna ugama aysan dhaqaaqin siday u fadhiday. Waxay sii argagaxday markay arday kale meesha ka wayday. Macallinku wuxuu horay uga sheegey inay arday kale inuu galab waliba siiyo duruus. Markii ugu horreeysay ayay tiri,
"Macallin, waan baxayaa; inaan daaho ma rabo."
"Yaa isgaaray weli. Kolka hore is qabooji, kadib waxaynu u guda gelaynaa howlihii kale; fursadda maanta aan ku siiyay inaad is dhaafisid ma aha," ayuu ugu jawaabay.
Dhaladii sharaabka oo aysan weli kaban ayuu soo qabtay. Gacanta kalena garabkeeda ayuu suray. Dhaladii ayuu afkeeda ku soo hogaamiyay. Iyaduna madaxa ayay gadaal u dhufatay iyadoo diidaysa inay cabto. Gacanta ayay damacday inay isaga qabato. Qasab ayuu ku habay. Kolkay hal kabbo afkeeda ku dhacday ayay bushimaha isku qabatay. Jug ayay ka siisay xoogaagi. Dhuunta ayaa gubatay. Kulayl ayaa dhegaheeda ka kacay. 'Xaax' intay tiri ayay qufac ka wareegtay.
"Iska saar cuqdadda. Iska neefi cabburnaanta," ayuu ku dhiirri gelinaayay. Garbasaarta ayuu kor uga dhuftay.
"Macallin, waan daahay. Waa maqrib. Saacadaan oo kale weligay aqalka kama maqnaan. Hooyaday ayaa igu qaylinaysa hadaan daaho..." iyadoo baqaysa ayay sara-joogsatay.
"Weli waa maalin weyn. Kolkaynu sharaabka isku qaboojinno ayaynu dhamaystiraynaa dersiga maanta," ayuu u sheegay. Labadiisa gacmood ayuu ku qabtay labadeeda karrays. Hoos ayuu u cadaadiyay si uu u fariisiyo. Iyadoo diidaysa ayuu qasbayay ilaa uu fariisiyay. Si aysan uga baxsan, weli wuxuu hayay garbaha. Wuxuu bilaabay inuu la jiibiyo hees uu qaadayey Maxamed Saleebaan oo ka soo baxaysay sameecadaha,

Dhal wadaad la moodyee

Indhahaa kugu dhaygagayee
Dhabannada hillaaciyoo
Dhoolla ka qosolkaagee
Yuu ku dhaafin hadalkuye
Ii dhegaa nugloowee
Adna ha iga dheeraan
Adna ha iga dheeraan
Dhibatadaan i hayso
Ii soo dhawow
Aan dhammayno xaajada.

Hadba mar ayuu sharabka qasab ku kabinayey. Sheekooyin halalaasi ah iyo heeso macaan ayuu ku madadaalinayay iyadoo aan qalbigeedu weli xasillonayn. Cabsi, walwal iyo caloolyow isku dhex jira ayaa boggeeda qasayay. 'Waan daahayaa; waa ceeb inaan sii joogo,' iyadoo qalbiga ka leh aanse ku dhicin inay isaga ku tiraahdo ayay nafteeda ku lahayd. Baqdinta hooyadeed ay ka qabtay, aadaabtii guriga, dhaqankii la baray, xishmaddii loo carbiyay, dareenka damiirkeeda ee saxa iyo qaladka kartidii ay ku sheegi lahayd waxaa caburinayay baqdinta macallinka. Awoodda caqligeeda iyo kalsoonideedu way sii yaraanaysay daqiiqadba midda ku xigtay. Iskama aysan qaban karin gacmihii Guduudane oo ka furfuraya maryaheeda.

IV

"Ha la tooso; salaadana ha la tukado;" Ay-Madiina ayaa gabdhaheeda ku tiri. Shankaroon iyo Shamso waxay qolka la hurdeen saddexda yar yar ee walaalaheed. Waxay ahayd aroor hore kolkuu diiqu yeeray.
"Maxaa dhacay oo aad Shankaroon la tukan la'dahay?" Hooyadeed ayaa waydiisay, iyadoo ag taagnayd albaabka qolka; misna waxay curadeeda ku tiri, "Gabadha kaa yar waa hore ayay tukatay, adiguna weli sariirta ayaad is jeclaysiinaysaa. Ma sidaasaad ku doonaysaa inaad guri ku dhaqatid marka lagu guursado. Naa toos inta aan ku arkayo; dhaqso."
"Hooyo, waan jirranahay," ayay ku jawaabtay, iyadoo ka dhex hadlaysa mugdiga.
"Naa xanuunka beryahaan bogga kaa haya ee qayiray midabkaagii casaa muxuu yahay? Bal i tus meesha lagaa hayo." Waxay faraha dul marisay dhafoorka gabadheeda, si ay u eegtyo haday xumadi hayso;
"Sheekh Cali ayaan maanta kuugu yeeri doonaa, tahliil ha kuu tufee. Ilaahay caafimaad ha ku siiyo," ayay ugu ducaysay gabadheeda iyadoo ka walwalsan.

V

Macallin Guduudane wuxuu dareemay qoyaan gaaray cududiisa midig. Shankaroon oo dhinac hurudda ayaa gacantiisa barkanayd. Sariirta weyn ayay ku dul jiifeen. Illinta dhabannadeeda ka daroortay waxay ku daadatay barkinta.
"Asxaan samee, raaxada ha iga jiirin. Waqtigii farxadda ayaan ku jiraa. Uma baahni oohin iyo shidda kale ee qarribaya hawada aan ku jiro," ayuu ku yiri. Sariirta ayuu ka toosay. Sanduuq sharaab ugu jiray ayuu ku sii jeestay.
Wejiga waxay dhex gashatay barkinta. Si aamusan ayay u ilmaynaysay. Waxay ahayd boohin qallalan oo aan ciirsi lahayn. Wuxuu ahaa waqti uu qalbigeedu cidla joogo.
Kolkuu dhawr jeer soo kabaday sharaabka ayuu garabka soo qabtay isagoo leh,
"Orod sii soco. Horay ayaan kuugu sheegay inaan waayadaan howlo badanahay. Waxaan isu diyaarinayaa xafladda usbuuca dambe ee sannadka cusub. Toddobada maalmood ee ka haray waa inaan xiraa xisaabihii sannadka tegaya. Hawo cusub ayaan u baahnahay sannadka 1982da," isagoo leh ayuu u sii waday dhinaca laga baxo.
"Xageen adaa?" Ayay waydiisay. Wuu iska dhega tirayay. Gadaal ayay u soo fiirisay. Indhihiisii guduudnaa waxay u sheegeen inaysan wax naxriis ah ku harin. Il biriqsi ayay isku waydiisay meesha ay mareen hadalladii macaanaa uu ku madadaalin jiray. Hadalladii jecaylka ahaa sida 'Hay jecaylka, weligaa hay'; ballamadii, heshiisyadii, axdigii, ballantii guurka, naxriistii iyo wanaaggii uu tusi jiray xagee bay aadeen? Wuxuu u ekaa sidii qof aysan horay u aqoon.
"Saddex bilood weligay hal ceel kama cabin." Isagoo leh ayuu albaabka ka saaray. Dhawr tillaabo kolkay socotay ayay wareertay. Caloosha ayaa rogantay. Hoos ayay isla markiiba u fariisatay iyadoo marada xayd-xaydanaysa. Mantag ayay ka wareegtay.

***

Sheekh Cali wuxuu bilaabay inuu quraan joogta ah ku akhriyo Shankaroon. Maqrib walba ayuu u joogteeyay. Xanuunkii iyo maahsanaantii ayaa ku saa'iday. Arrintaas waxay hooyadeed gelisay walwal cusub. Waxay ku aragtay dabeecad aysan ku arki jirin.
"Naa Shamso, orod u yeer walaashaa wadaadka quraanka ha ku akhiyee?" Ayaa waydiisay gabadheedii oo casho karinaysay.
"Hooyo, ma aqaan meesha ay aaday," ayay iyaduna ugu jawaabtay.
"Wadaadka shaah cadays ah u gee intay walaashaa ka imaanayso," ayay ku amartay gabadheeda. Kolkay la kulanto xaal walwal ku dhaliya waxay badin jirtay salaadaha sunnooyinka. Eebe ayay xaalkeeda la kaashan jirtay.

***

Shankaroon waxay cabbaar garaacday albaabka guriga macallinka. Gudaha waxay ka maqlaysay muusik iyo dad madadaalo ku jira codkooda. Dhawr jeer oo kale ayay misna ku celisay.
Macallin Guduudane oo guntan go' guduudan ayaa albaabka furay. Kolkuu gabadhii arkay ayuu si xanaaqsan u yiri,
"Maxaad rabtaa saacadaan. Haddeer waan mashquulsanahay ee mar kale ha inoo ahaato." Neef culus ayaa ka soo baxaysay. Qiiq sigaar iyo cadar fiiqannna ayay ka soo urayay. Irriddoo tuurya ah ayuu ku keenay gabadhii. Intaysan xirmin ayay gacanta bidix ku celisay. Si xanaaqsan ayuu misna u soo firshay. Intuusan misna xirin ayay warqad ay midigta ku haysay u taagtay. Warqaddii intuu ka dhufsaday ayuu albaabkii si xoog leh uga xirtay.
Iyadoo garan la' waxay samayso ayay fariisatay xatabadda. Way isla hadlaysay iyadoo aan aqoon waxay iskula hadlayso.
Waxay ahayd goortuu iftiinka iyo mugidgu is-dhex galeen. Xiddiga Waxara-xir loo yaqaan wuxuu ka blig-bilig lahaa dhinaca galbeedka isagoo uu quruxdiisu qarinayay xiddigaha kale oo si dirqi ah uga muuqday cir guduudka awgii.

Cabbaar kolkay sugtay ayay misna bilowday inay garaacdo albaabka. Mar labaad intaysan ku celin ayuu fag ka siiyay,
"Naa, ma waxaad maqashay wacallada ayuu uruursadaa? Wixii uurka kuu yeelay raadso." Ayuu si naxli leh u yiri isagoo ku nafisaya inuu hoos hadalka ugu tiig-tiigsado. Dhinacyada ayay eegtay. Waxay ka baqday inay maqlaan dadka dariiqa maraya. Oraahdiisa isagoo aan la jixin jixayn ayuu misna ku yiri,
"Sunta aad ku hanjabaysid sonkor isaga dar..." isagoo leh ayuu qataarka albaabka geshay.
Onkod foori u eg ayaa maskaxdeeda ka yeeray. Iyadoo qalbiga ka ooyaysa ayay dhinaca aqalkooda u dhaqaaqday. Cirka ayay jeedaalisay. Labada dacal ee samada inta u muuqatay ayay eegtay. Malyuumaad iyo malyuumaad xiddigood oo iftiinka ka soo diraya malyuumaad iyo malyuumaad kiiloomitir ayaa u muuqday. 'Raxmaankii waxaas oo idil abuuray kurbadayda miyuu u daahayaa?' Ayay is-waydiisay. 'Marka horeba haduusan murugadaan ila rabin ima geliyeen.' Ayay iska dhaadhicisay iyadoo shakisan. 'Ilaahoow, maxaad ila damacday?'
Illin ayaa indheheeda buuxshay. 'Yaa i geeya meel dheer oo aan layga arag, aan layga maqal oo aan layga aqoon;' ayay iskula hadashay. Waxay jeclayd inay cirka u dusho oo ay xiddigaha cidla jooga weheshato.
'Qofkii daahir ah ayaa cirka la geeyaa. Qofkii xun meel xun ayuu Ilaahay u dhigaa; dhulka hoostiisa ama badda salkeeda; iyo xagee kale....? Yaa i shiida oo ciidda igu firdhiya; yaa i afuufa oo dabaysha igu dara." Illinta ayaa dhabannada soo dareertay. Garbasaarteeda ayay jiq isku siisay.

Iyadoo weli murugaysan ayay aqalkooda gashay. Feynuus oollayd albaabka qolka ay seexato ayay sigtay inay lugta ku sii qaado. Siday u sii kacsanayd ayay sariirteedii catiirka ahayd ku dul seexatay.
"Naa, jirrada dhaandhaanka kaa dhigtay oo dabci xumada iyo guuraynta ku bartay maxay tahay? Waxa jira ii sheeg," ayaa hooyadeed waydiisay iyadoo deydka fadhida. Waxay la cawaynaysay caruurteeda kale. Shankaroon uma aysan jawaabin. Islaantii oo la caraysan jawaab la'aanta ayaa qolka soo gashay. Gabadheeda oo go' huwan ayay dul istagtay. Kor ayay uga dhufatay go'ii, waxayna ku tiri, "Naa maxaad iigu jawaabi la' dahay? Yaah?" Gabadhu weli uma aysan jawaabin. Hooyadu waxay ka sii carootay jawab la' aanta dambe. Fara jir-jir ayay ku kicisay. Mar labaad ayay u celisay.
"Waasan ha inoo beryo. Abtigaa iyo adiga ayaa xisaabtami doona. Wallee waxaad soo wado iyo webiga yaa weyn!" Iyadoo leh ayay qolka ka sii baxday.

VI

'Farxad wanaagsan; Sannad wanaagsan;' waxaa isugu hambalyeynayay dad isugu yimi xaflad. Xafladda waxay ka dhecaysay African Village. Macallin Guduudane oo gashan jubbad iyo surweel wada guduudan ayaa ka mid ahaa dadka dabaal degayay. Muusik qalaad iyo heeso Soomaali ayay ku madadaalanayeen.
Kolkay laba daqiiqadood ka harsanaayeen kala wareegga 1981da iyo 1982da ayaa muusikada la demiyay. Qof waliba koobkuu haystay ayuu kor u qaaday. Gacanta dheer ee saacad weyn oo derbiga surnayd ayaa la wada jeedaalinayay intay ku sii socotay tan kale oo dul joogtay 12.00 habeenka kala barkiisa. Iyadoo la wada sugayo ayay gacantii dheerayd si hallaasi ah u dul fuushay tii kale. Mar keliya ayaa kor loo wada heesay,

Waa lagaa helaayo, hadhaw lagu xasuusta

Kii noo hagaagee, noqo loo hanweyn yahay
Noqo loo hanweyn yahay, noqo loo hanweyn yahay


Muusikadii ayaa dib loo shiday. Dadkii qaar ka mid ah waxay bilaabeen inay ciyaaraan iyagoo muusikada la qabsanaya. Qaar kale farxad iyo bashbash ayay isku bogaadinayeen.

Macallin Guduudane wuxuu hab siiyay gabar la socotay. Intuu shafka shafka u saaray ayuu ku yiri,
"Qalbi-u-roonay, sannadka cusub ha noo noqdo mid aan xididada u surno jecaylkeenna. Hay jecaylka, weligaa hay."
"Mac... macallin ee ... ma... macaanow, habeenkii guriga kama daahi karo. Haddana waa waqti dambe ee..." iyadoo khajilaysa oo aan dhammayn hadalka ayuu afka u saaray koobkuu haystay. Kolkay kabatay ayay qufac ka wareegtay. Isagoo weli qasbaya ayuu mar kale kabisiiyay sharaabkiisa

VII


Shankaroon oo weli isla hadlaysa ayuu waagu guduutay. Wax walba ayaa qalbigeeda ku soo dhacay. Waxna kama aysan xusuusnayn. Talo, go'aan iyo xeelad walba oo ay ku xalliso kurbadeeda ayay ka fekertay. Dhinacna way u dhaqaajin kari wayday. 'Abtigay maxaan u sheegaa? Dhimashaa ii roon.' Caloosha ayay dhawr tantoonyo isaga dhufatay. Iyadoo weli isla hadlaysa ayaa guriga laga toosay.

"Naa dhaqso waqtigii dhamaaye," hooyadeed ayaa ku tiri. Shankaroon oo gashan lebiska dugsiga ayaa fadhdiday deedka. Waxaa hor oollaa quraacdeedii canjeelada ahayd oo ay ku iidaamatay sonkor iyo saliid macsaro. Hadba waxay kabanaysay qaxwe qaraar ay ka shubanaysay jelemad burjikada saarnayd. Udgoonka qaxwaha ayaa guriga ka buuxay.
Waxay ahayd halkii saac ee subaxnimo ay daqiiqado dheer yihiin. Hooyadeed waxay ku hawlanayd caruuteedii oo ay dugsiga u diraysay.
Shankaroon waxay u ekayd maqane-jooge. Cabbaar yar ka dib iyadoo wahsanaysa ayay istaagtay. Qolkeeda ayay gashay. Warqad duuduuban ayay kala soo baxday sanduuq bir ah oo ay lahayd. Si karkaba ah ayay u gashay qubayska. Koombada qubayska ayay ku shubtay wixii warqadda ku jiray. Goror biya ah oo ku haray baaldi ag oolla ayay ku dul gororisay. Faraha ayay iskula qooshtay. 'Tawakal' iyadoo leh ayay daasaddii kor u qaaday. Indhaha ayay isku qabsatay. Neeftana way isku celisay si aysan u dareemin wax dhadhan ah. Mar keliya ayay dig ka siisay wixii ay isku qooshatay. Jiriirico ayaa jirkoo idil saaqay. Carabka ilaa uurkutaallada ayaa la saaqay. Isla markiiba waxay dareentay xididada maskaxda oo soo togmaya. Neefta way ku cabburmaysay intay hoos u fariisanaysay.

"Naa weli ma iska daba wareegaysaa. Dawankii dugsiga waa hore ayuu yeeray ee kaalay ilmaha kaxee yaysan daahine," ayaa hooyadeed ku lahayd gabadheeda oo weli qubayska ku jirta. Si aysan caruurtu dugsiga uga daahin, gabadheeda kale, Shamso, ayay ku amartay, "Maandhey, orod adigu caruurta sii kaxee; walaashiin way idiinka daba imaan doontaaye."
Hooyadii kolkay caruurteedii yar yarayd ay dugsiga u dirtay ayay u jeensatay howlihii guriga. Waxay la yaabanayd daahista curadeeda.

Waqti yar ka dib ayay albaabka qubayska ku soo halgaadday xaaqin ay gacanta ku haysay.
"Weli guriga ma ka dhammaan la'dahay, gabaryahay? Naa ka soo bax meesha; jinni kugu ceejiye!" Iyadoo leh ayay albaabkii qubayska garaacday. Mise wax jawaab kama aysan maqal! Waxay la yaabtay jawaab la'aanta. Dhegta ayay saartay albaabka si ay u dhegaysato wax shanqar inay gudihiisa ka maqasho. Waxba kama aysan maqal. Iyadoo yaaban ayay dhawr jeer ku cel-celisay,
"Naa maxaa ku helay? Naa fur albaabka baas! Fur dhaqso!"
Yaabkeedii wuxuu isu beddelay baqdin iyo walbahaar sii kordhayay daqiiqadba daqiiqadda ka dambaysa. Iyadoo aan iska war hayn ayay garaacis ku bilowday,
"Naa fur; fur albaabka. Naa maxaa ku helay? Naa... Naa fur." Weli wax jawaab ah ma aysan maqal. Dareenkii baqdinta ahaa wuu ku sii saa'iday ilaa uu gaaray heer uu hooyadii ka tan badiyay. Waxay bilowday inay kor u qayliso,
"Ba'ayeey! ... anigasyka ba'ayee! Shankaroon sidaan kuma nabad qabtooy! ... ba'ayeey! Hoogayeey!"
Qayla-dhaankii hooyada waxaa ku soo baxay deriskii qaarkood. Rag iyo haween ayaa u soo gurmaday. Si qubayska loo jebsho ayaa nin xoog weyn harranti ku dhuftay albaabka. Wuxuu albaabku ka samaysnaa alwaax adag. Dhawr jeer oo kale ayuu misna harranti toos ah ugu kiciyay. Iriiddii intay goosatay ayay faseexaddii gudaha ka haysay ayay gudaha fag u tiri. Shankaroon oo u jiifta xabad xabad iyadoo aan wax miyir ah lagu arag ayay gudaha oollayd. Dhabanka midig ayay u barkanayd. Dhabanka kale iyo bushimaha waxaa ka muuqday abur cad. Nin ka mid ahaa gurmadka ayaa damcay inuu gudaha u gudbo. Isagoo ka sii tillaabsanaya baaldi hor ollaa xatabadda gudaha xigta ayaa lugta midig u fakatay iyadoo tan kale aysan dhulka weli gaarin. Intuu kor u kacay ayuu dhulka mab ku yiri. Jeegada midig ayuu ku dhufsaday xatabadda gudaha xigta. Dhiig ayaa ka soo duulay dhinaca hoose ee jeegada. Hooyadii oo la dhakafaarsan gabadheeda belaayada ku dhacday ayaa, iyadoo aan eegin ninkii jir jirka u oollaa, gudaha u gudubtay. Labada gacmood intay madaxa saartay ayay ku barooratay curadeeda,
"Hoogayoo ba'ayeey! Jin baa dharbaaxayey! Shaydaanka naara! Shaydaanka naara!" Gacmaha ayay dhinacyada u sayrisay, "Acuudu Billaahi! Acuudu Billaahi minashaydaani rajiim! Shaydaanow shuu shuu! Shaydaanow shuu shuu!" Sidii qof jinka tuuryaynaysa ayay gacmaha dhinacyada u warfisay.
Labaatan daqiiqadood ka dib, Shankaroon iyo ninkii ku dhaawacmay gurmadkeeda waxaa lagu qaaday fatuurad taksi ah. Isbitaalka Digfeer ayaa si dhaqso ah lagu gaarsiiyay. Isla markiina waxaa loo gudbiyay qaybta Gargaarka Deg-Degga ah.

***

Ay-Madiina iyo islaamo u soo raacay isbitaalka waxay hoos fariisteen dhamas dhaadheer oo ka baxay daydka weyn ee isbitaalka. Dabayshu waxay kala firdhinaysay caleemo qallalan oo hoos daadsanaa dhirta taxan. Ay-Madiina waxay ku tasbiixsanaysay tusbax dheer. Waxay akhrinaysey salliga Nebiga iyo suurado gaagaaban intii ay quraanka ka tiqiinay.
"Madad yaa Jaylaani! Madad! Madad yaa Jaylaani! Madad!" Waxaa lahayd habrihii midood oo iyaduna ku tas biixsanaysay tusbax aan ka yarayn kan Ay-Madiina ay sidatay. Hooyadii waxaa ku sii batay walbahaarka.
'Shardi waxaan ku galay inaan awliyadoo idil xuso. Muriyadayda dahabka ah inaan u iibsho ayaan axdi ku galay. Allow maanta i furo.' Ayay qalbiga ka lahayd.
Laba saacadood ka dib waxaa u soo muuqday nin ka mid ahaa deriska oo gudihiisa u sii raacay Shankaroon. Waxaa la socotay gabar gashan dharka kal-kaaliyayaasha isbitaalka. Kolkay ag yimaadeen Ay-Madiina iyo islaamihii kale, ninka wejigiisa waxaa ka muuqday qalbi xumo. Hase ahaatee, wuxuu hadalka u daayay kal-kaalisada,
"Gabadhii aad keenteen...!" markay marinayso ayay aamustay. Waxay ka baqday indhaha argagaxsan ee iyada soo eegayay. "Gabadhii hee...?" ayaa islaamihii mid ka mid ahi waydiisay.
"Gaba... gabadhiii way naf baxday! Sunbaa caloosheeda laga helay." Oo tuuryo ah ayay ku jawaabtay.
Hooyadii maskaxdeeda waxaa ka yeeray hugun! Si aysan dhulka u waayin, waxay iska hor marisay gacanta bidix. Si tartiib ah ayay u fariisatay. Islaamihii mar keli ah ayay dhinaceeda soo wada fiirsheen. Indha naxdin iyo naxariis isugu jira ayay ku soo wada eegeen. Ilbiriqsi ayaa wejigeedu isku beddelay. Waxay u ekaatay sidii qof jira laba jeer jibbaar cumrigeedii kontonka ku dhawaa.

Sannadku wuxuu ku bilowdaa Jenawari. Dadkuna waxay ku soo dhaweeyaan qalbi furan iyagoo aan garanyn waxa khayr iyo shar uu u kaydinayo. Ay-Madiina iyo agoonteedii kama aysan samata bixin sannadkii tegay harraantidiisa iyo kan cusub herdidiisa.

Shankaroon waxay galbatay 1dii Jenawari 1982dii. Aqalkii aakhiro ayay u galbatay.

Dhammaad.

 

 

 

 

 

Home

     Copyright © 2002 Kismayo Online  All rights reserved

waxaa mahad le Ilaaha way oo ii suurta galiyay in aan samaysto webkaab cusub
If I didn’t include a news section about my site’s topic on my home page, then I could include it here.